Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamo wata Gaari Dagaal oo dhac dad badan argagaxeen ka geestay Muqdisho

Ciidamo la sheegay in ay katirsan yihiin milatariga Soomaaliya gaar ahaan kuwa kumaandooska Gorgor ayaa xalay dhac saf mar ah ka geestay laamiga dheer ee 30-ka ee kuyaalla magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa noo sheegay in ciidankan oo watay gaari nuuca loo yaqaan beebaha ay dhac ka bilaabeen halka loo yaqaano Daallo ee kutaalla inta u dhaxeysa isgoosyada Black Sea iyo Baar Ubax, waxa ayna dhaca wadeen ilaa laga gaaro isgooska Cali Kamiin.

Ciidankan ayaa la sheegay in dadka ay ka dhacayeen moobeelo, waxa ayna adeegsanayeen ciidankan hubka fudud sida AK-47 halka ciidamada qaarna wateen qorayga loo yaqaan RPG ama sabanka kaas oo dadkii lagu qabtay wadnaha go’ay naxtin darteed.

Dad nala hadlay ayaa sheegay in ciidankan oo xirnaa dareeska  Gorgor cabsi la’aan dadka u dhacayeen, waxa ayna moobeelo kala duwan ka qaateen dad shacab ah oo u badnaa kuwa hoyaad ah iyo kuwa laamiga ku fiidsanayay.

Ciidamada dowladda qaarkood iyo kuwa soo xirta dareeska ciidanka ayaa horey dhac uga geesan jiray magaalada Muqdisho, waxaasa hadda dadka aad ula yaabeen in ciidan wato gaari dagaal gaar ahaan beebe ay ku dhiiradaan in dadka waddooyinka ku baartaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddiga Doorashada Hirshabelle oo hakiyay Guddiga xulista ergada labo kursi oo horey loo shaaciyay

Cabdi Cade

Mareykanka oo Tijaabiyay Gantaal Casri ah oo Xawaarihiisu Codka ka dheereeyo

Cabdi Cade

RW Khayre oo la kulmay guddi abaabul oo dhowaan la Magacaabay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---