Allbanaadir.com
NEWS

Xukun dil ah oo Saakay lagu fuliyay 19-nin oo u badnaa rag katirsanaa Al Shabaab iyo Daacish

Maxkamadda ciidamada Puntland ayaa saakay oo Arbaco ah xukuno dil ah ku fulisay rag katirsanaa Al Shabaab iyo Daacish, kuwaa oo qaarkood lagu helay in ay fuliyeen dilal qorsheesan iyo qaraxyo khasaaro badan dhaliyay.

Toogashada oo ka kala dhacdey magaalooyinka Galkacyo, Garowe iyo Bossaaso ayaa raga la toogtay 13-kamid ah waxa ay katirsanaayeen kooxaha Daacish iyo Al Shabaab, halka 6-da  kalana ahaayeen askar hore oo katirsanaa Puntland, kuwaa oo dilal geestay.

Raga la toogtay ee katirsanaa Al Shabaab iyo Daacish ayaa lix kamid ah lagu toogtay magaalada Boosaaso ,halka shan kalana lagu toogtay magaalada Gaalkacyo, waxaana ragan la sheegay in ay ahaayeen shabakado dilal qorsheesan fuliyay.

Magaalada Garowe waxaa lagu toogtey Shubeyb oo sanadkii 2016 lagu qabtey dagaaladii Ciidamada Puntland iyo Al-shabaab ee ka dhacay Suuj, Garmaal iyo Kulub balse intii Cafis lo fidideyey kuso laabtey Garowe isagoo dilal hor leh kasoo geystey magaalada Muqdisho.

Maamulka Puntland ayaa ragan ay saakay toogteen horey ugu riday xukuno kala duwan oo dil ahaa, waxaana wali xabsiyada Puntland ku xiran rag kale oo iyana lagu xukumay dil kuwaa oo katirsanaa kooxaha Daacish iyo Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Cumar Filish oo kormeeray Wadooyin kuyaalla Muqdisho oo Roobku biyo badan dhigay (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo laalay go’aan Xukuumada xilka sii heysa ka gaartay Qaadka Kenya

Caydiid Ali

Golaha Wasiirada Jubbaland oo la dhaariyay iyo Axmed Madoobe oo la dar daarmay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---