Allbanaadir.com
NEWS

Sheekh Shariif iyo Ra’isul Wasaarayaal hore oo kahor yimid Qorshe ay wadaan Madaxda Dowladda

Qaar kamid ah siyaasiyiinta Soomaaliya xilligan ugu saameynta badan dalka ayaa si weyn uga hor yimid qorshe ay madaxda dowladda federaalka ugu sareysa ku dooanayaan in muddo kordhin ku sameestaan

Qoraal wadajir u soo saareen Madaxweynihii hore Shariif, Ra’iisul Wasaarayaashi hore, Xasan Kheyre, Cumar C/rashiid, C/weli Gaas, Guddoomiyihii hore Baarlmaanka Shariif Xasan iyo C/qaadir Cosoble ayaa waxay ka digeen muddo kordhinta ay wadaan Guddoonka Labada Gole ee Baarlamaanka.

Siywasiyiintan qoraalka ay soo saareen ayaa lagu sheegay in aanay jirin baahi hadda taagan oo loo qabo in wax ka bedel lagu sameeyo Dastuurka oo ujeedadiisa tahay muddo kordhin, waxaana ay ugu baaqeen Madaxweyne Xasan Sheekh uu arrintan xagal daacinta ah uu dalka iyo dadka ka badbaadiyo, maadaama uu yahay ilaaliyaha iyo Horumariyaha Mabaadiida aas aasiga ah ee Dastuurka.

Related posts

Dayuuradaha Israel oo buuxiyey hawada Lubnaan iyo xiisada oo sare u sii kaceysa

Caydiid Ali

(Daawo Sawirro) Raisul Wasaaraha Somalia oo xariga ka jaray labo Mashruuc

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu horkacayo oo lagu soo dhoweeyey Doha (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---