Labo qarax ayaa caawa ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho, kuwaasoo daryankooda laga maqlay meelo badan.
Warar hordhac ah ayaa sheegaya in qaraxyada lagu weeraray ciidamo ka tirsan kuwa amaanka DF oo bar kontrol ku leh agagaarka isgoyska KPP.
Xogo iskhilaafsan ayaa ka soo baxaya nooca qaraxa loo adeegsaday weerarkaas, wararka qaar waxay sheegayaan in bam gacmeedyo lagu tuuray ciidanka halka warar kalena ay tilmaamayaan in lala beegsaday labo saalbo oo ka dhacday qoriga RPG ee Soomaalidu u taqaano baasuukaha ama sebenka.
Weli ma cadda khasaaraha ka dhashay weerarkan iyo cida ka dambeysay inkastoo weerarada noocan ah looga bartay kooxda Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowlada Somalia iyo ciidamada shisheeye ee taageeraya.
Dilalka, qaraxyada iyo falal kale oo amaan daro ayaa mudooyinkan ku soo batay magaalada Muqdisho, saacado ka hor ayey aheyd markii saddex ka tirsan ciidamada DF lagu dilay iska horimaad ka dhacay isgoyska Towfiiq ee degmada Yaaqshiid markii ay dagaalameen ciidamo ka wada tirsan DF
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com