Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qarax lagu dhamaaday oo ka dhacay Suuq ku yaalla Magaalada Dhaka (sawirro)

Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhimatay tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay goob suuq ah oo ku taal caasimadda Bangladesh ee Dhaka, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan waaxda dab damiska.

Qaraxa ayaa ka dhacay gudaha dhismo ka kooban todobo dabaq, waxaana uu geystay burbur xooggan oo soo gaaray laba dabaq, sida uu sarkaalku hadalkiisa ku daray.

“Waxaa jiray dukaanno dhowr ah oo lagu iibinayay agabka nadaafadda iyo alaabo guri, bas taagnaa dhanka ka soo horjeeda dhismaha ayaa sidoo kale waxyeelo kasoo gaartay qaraxa,” ayuu yiri sarkaalka ka tirsan waaxda dab-damiska Dinomoni Sharma.

Ma cadda sababta ka dambeysay qaraxa, ayuu yiri Sharma’arke, isaga oo intaa ku daray in tirada dhimashada ay sii kordhi karto maadaama ay socdaan howlaha samata bixinta.

Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa muujinaya burbur xooggan oo soo gaaray dhismaha iyo dhismayaashii ka agdhawaa, iyadoo alaabo mar qura gudaha u galay dukaamada ay soo buux dhaafiyeen wadada. Qaar ka mid ah dadka lugeynayay ayaa ku dhaawacmay burburka soo dhacay iyo muraayadaha jabay.

Kamaal Axmed oo ka mid ahaa dadkii ku dhaawacmay qaraxa ayaa warbaahinta gudaha u sheegay isagoo wax ka iibsanayay laamiga uu maqlay jug xoogan.

“Markii aan maqlay dhawaqa ayaan dhacay, kadibna waxaan arkay qiiq meesha oo dhan daboolay, wax dhismo ah ma muuqdaan, dadka oo dhan waa ay ordayaan,” ayuu yiri.

Axadii, saddex ayaa ku dhintay qarax loo malaynayo inuu ahaa gaas oo ka dhacay Dhaka. Sabtidii, toddobo qof ayaa ku dhintay dhowr kalena waa ay ku dhaawacmeen kaddib markii uu dab ka kacay qarax ka dhacay warshad Ogsajiin ah oo ku taalla koonfur-bari Bangladesh

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliyeyaal amni oo loo Magaacabay goobaha doorashadu ka dhaceyso ee Hirshabelle

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo TV ka daawaday Ciyaartii Galmudug iyo Banaadir (Sawirro)

Cabdi Cade

Shir looga hadlayo horumarinta Aqoonsiga Dadweynaha oo Muqdisho ka furmay

Cabdi Cade