Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Shir looga hadlay qodob muhim ah oo lagu qabtay xafiiska Raisul Wasaaraha (Sawirro)

Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Salah Jama ayaa guddoomiyey shirka Guddi Hoosaadka Golaha Wasiiradda ee Tiirka Soomaali Dunida Heshiis La ah, kaasi oo looga hadlay ansixinta siyaasadda qaran ee qurbo joogta Soomaaliyeed oo ay soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Xiriirka Caalamiga ah.

Shirka ayaa sidoo kale looga dooday hannaankii loo soo celin lahaa dadka Soomaaliyeed ee ku go’doonsan meelo badan oo adduunka ka mid ah kuna jira xabsiyo kala duwan, kuwaas oo baahi wayn u qaba in loo fududeeyo sidii ay dalkooda hooyo ugu soo laaban lahayeen iyagoo nabad ah.

”𝗫𝘂𝗸𝘂𝘂𝗺𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗪𝗮𝘅𝗮 𝗞𝗮 𝗚𝗼’𝗮𝗻 𝗜𝗻 𝗠𝘂𝘄𝗮𝗮𝗱𝗶𝗻𝗶𝗶𝗻𝘁𝗲𝗲𝗱𝗮 𝗞𝘂 𝗝𝗶𝗿𝗮 X𝗮𝗯𝘀𝗶𝘆𝗮𝗱𝗮 𝗔𝗱𝗱𝘂𝘂𝗻𝗸𝗮 𝗔𝘆 𝗦𝗶 𝗡𝗮𝗯𝗮𝗱 𝗔𝗵 𝗗𝗮𝗹𝗸𝗼𝗼𝗱𝗮 𝗨𝗴𝘂 𝗦𝗼𝗼 𝗖𝗲𝗹𝗶𝘀𝗼”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka ayaa tilmaamay in xukuumadda dan-qaran ay ka go,an tahay sidii muwaadiniinteeda ku xiran jeelasha kala duwan ee adduunka ay si nabad ah ugu soo celin lahayd dalkooda hooyo, isagoo intaa ku daray in dowladdu muhiimad gaara siinayso qurba -jooga Soomaaliyeed ee ku nool wadamada caalamka oo kaalin wayn ugu jira dowladnimada Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dayuuradaha Ruushka & China oo galay hawada Mareykanka

Caydiid Ali

Xildhibaan labaad oo isaga baxay Xisbiga UPD ee uu hogaamiyo Xasan Shiikh

Caydiid Ali

Agaasimaha NISA Mahad Salaad oo Socod ku maray Suuqa Bakaaraha (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---