Madaxweynihii hore ee ee dalka Peru, Alberto Fujimori ayaa xabsiga laga sii daayey ka dib markii uu cafis u fidiyey Pedro Pablo Kuczynski oo ah Madaxweynaha talada haya ee dalkaas.
Mr. Kuczynski ayaa qoraal uu ka soo saaray xafiiskiisa ku sheegay in Fujimori oo 79-jir ah, la sii daayay ka dib markii ay xaalado caafimaad daro soo wajaheen.
Cafiska madaxweynaha wuxuu ku soo aadayaa maalmo ka dib markii taageerayaasha Fujimori ee baarlamaanka ka mid ah ay Mr Kuczynski ka caawiyeen in laga hortago cod kalsoonida loogala noqon lahaa.
Fujimori oo xukkunka dalka Peru hayay intii u dhexeysay 1990 illaa 2000 Â aya waxaa dhowaan loola cararay Isbitaalka ka dib markii lagu arkay dhiiggiisa oo hooseeya iyo xannuuno dhanka caloosha ah.
Wuxuu qaadanayey xabsi 25 sano ah oo dhowaan lagu xukumay, waxaana la sheegay in lagu helay xadgudub dhanka xuquuqda aadanaha ah iyo musuqmaasuq..
Dadka qaar waxay ku taageeraan sidii uu ula dagaallamay mucaaradkii Maoist, laakiin kuwa isaga dhallaaceeya waxay ka hadlayaan in uu yahay “keligii taliye musuqa caadeystay”.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com