Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Saddex askari oo ku dhintay dagaal ka dhacay Magaalada Muqdisho

Dagaal ayaa ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ku dexmaray Isgoyska Towfiiq ee Magaalada Muqdisho, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Goobjoogayaal ayaa waxay sheegeen in israsaaseynta ay timid kadib markii askar ka tirsan kuwa lagu soo tababaray Eretreya oo dhacayay Ganacsatada Qaadka ay ku soo baxeen Ciidamo Boolis ah.

Saddex ka mid ah Ciidamada lagu soo tababaray dalka Ereteriya ayaa is rasaaseynta ku geeriyooday halka  askari Boolis ahna uu ku dhaawacmay sida ay sheegayaan ilo wareedyo iyo dad goob joogayaal.

Intii uu isku horimaadku socday waxaa hakad galay isku socodka dadka iyo Gaadiidka ee Isgoyska Towfiiq ee degmada Yaaqshiid inkastoo markii markii dambe ay xaaladu caadi ku soo laabatay.

 

Related posts

Somalia oo ku guuleysatay doorashada Guddoomiye ku-xigeenka Midowga Afrika

Caydiid Ali

Dal 10 sano ka hor laga saaray Ururka Jaamacadda Carabta oo dib loo soo celiyey

Caydiid Ali

Madaxweyne Trump & dhigiisa Kim John un oo mar kale kulmaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---