Allbanaadir.com
NEWS

Guddoomiye Ciise Guurre oo la kulmay Guddi talo bixin loo xil saaray (Sawirro)

Guddoomiye kuxigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir Mudane Ciise Maxamuud Guure ayaa guddoomiyay kulankii ugu horeeyey ee ay yeeshaan guddiga ku meel – gaar ah ee loo xilsaaray in ay kasoo talo bixiyaan shirkadda Maamulka Gobolka Banaadir u igmatay nidaaminta iyo maareynta arrimaha dhulka (Land Management Systems).

Guddigan ayaa gobolka Banaadir uu magacaabay kaddib markii uu arkay baahida loo qabo in la nidaamiyo arrimaha dhulka ee gobolka Banaadir, islamarkaana loo baahan yahay in loo bedelo nidaamka maamulka dhulka qaabka digitalisation ee loo yaqaan LMS, si looga hor – tago dayaca ku imaan karo keydka xogta dhulka, xal waarana loogu helo nidaam la’aanta ay Magaalada Muqdisho u fideyso taas oo ma huraan ka dhigeyso in Magaaladan loo sameeyo MASTER PLAN, gaar ahaan dhulka aan wali la degin.

Waajibaadka guddigan ayaa lagu soo koobay seddexdan qodob oo kala ah:

• Diyaarinta Taarif cusub oo khuseeya arrimaha dhulka.

• Diyaarinta qaabkii loogu guuri lahaa hanaanka casriga ah ee digitalisation LMS iyada oo laga soo guurayo nidaamkii hore loogu shaqeyn jiray.

• Ka soo talo – bixinta sidii loogu shaqeyn lahaa nidaamka cusub ee digital-ka ah.

Ugu danbeyntii Guddoomiye  kuxigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolka banaadir Ciise Guure ayaa guddigan kula dardaarmay in waajibaadka loo xilsaaray ay u gutaan si mas’uuliyad ay ku dheehan tahay oo xirfadeysan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Daawo Sawirro) Kim Jong-un oo xariga ka jaray magaalo cusub oo yaab leh

Caydiid Ali

Benjamin Netanyahu oo ka shifay Sir ku aadan Wadahadalo Hoose oo ay la leeyihiin dalal …

Cabdi Cade

Mooshin ka dhan ah Wasiir katirsan Xukuumadda oo la diyaariyay iyo dambiga loo heesto

Cabdi Cade
Taboola Ads ---