Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo shaacisay tirada askarta ay ku dileen Weerarkii ay ku qaadeen Janaay Cabdalle

Dagaalyahano hubeesan oo katirsan Al Shabaab ayaa saakay weerar culus oo ku bilowday qaraxyo ku qaaday xero ciidanka milatariga Soomaaliya iyo kuwa darawaiishta Jubbaland kaga sugnaayeen deegaanka Janaay Cabdalle ee duleedka Kismaayo.

Xerada Al Shabaab weerareen gudaheeda ayaa waxaa ka dhacay dagaal culus oo dhax maray ciidamadii halkaasi ku sugnaa iyo kooxdii weerarka qaaday, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo dhaliyay khasaaro badan.

Al Shabaab war ay soo saareen ayey ku shaaciyeen in weerarka ay ku qaadeen xerada Janaay Cabdalle ku dileen 89-askari ,sidoo kale weerarka ku dhaawaceen askarta gaareysa tobanaan .

Warka kasoo baxay Al Shabaab ayaa sidoo kale lagu sheegay in jidka u galeen ciidamo kale oo gurmad ugu socday deegaanka Janaay Cabdalle, waxa ayna sheegeen in weerarkaasi ku dileen askar kale kuna qabsadeen gaadiid dagaal.

Deegaanka Janaay Cabdalle oo bishii Janaayo ee sannadkan laga saaray Al Shabaab ayaa horey waxaa uga dhacay weeraro kale oo culus, waxaana deegaankan oo qiyaastii 60-km u jira Kismaayo yahay mid istaraatiiji ah .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Prof. Dalxa oo sheegay in la dulmiyey, loona diiday tartanka kursigiisa Xildhibaanimo

Caydiid Ali

Cabdi-Kariim Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax (Shalay iyo Maanta)

admin

Boqolaal qof oo ku dhintay dayuurad ku burburtay Magaalada Algiers (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---