Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada Israil oo duqeeyay garoonka Diyaaradaha magaalada Xalab

Ciidamada Israil ayaa saakay duqeyn dhinaca cirka ah ku qaaday garoonka diyaaradaha magaalada Xalab ee kuyaalla dalka Syria, waxaana duqeyntan ka dhashay khasaaro soo gaaray garoonka.

Duqeynta lagu garaacay garoonka diyaaradaha magaalada Xalab ayaa sababay khasaaro burbur oo soo gaaray qeybo kamid ah garoonka , waxaa sidoo kale xilliga weerarka socday istaagay shaqadii ka socotay garoonka diyaaradaha.

Garoonkan la weeraray ayaa maalmihii lasoo dhaafay ahaa mid mashquul ah  oo ay ka soo degayeen diyaaradaha shixnadaha gargaarka gaarsiinaya dadka ay waxyeelladu kasoo gaartay dhul-gariirkii ka dhacay Syria.

Wakaaladda wararka u faafisa Syria ayaa sheegtay in duqeynta lagu garaacay garoonka Xalab ay fuliyeen diyaarado milatari ay leeyihiin ciidamada Israil, waxa ayna wakaaladdu sheegtay in duqeynta aysan geesan khasaaro nafeed .

Diyaaradaha dagaalka Israil ayaa horey duqeymo diyaaradeed uga geestay garoonka iyo garoomo kale oo kuyaalla dalka Syria, mana jiro wax war ah oo Israil kasoo saartay duqeynta xalay ku garaaceen garoonka diyaaradaha magaalada Xalab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Badbaadinta ilmo suuli ku dhacay oo dhimasho sababtay (Sawirro)

Caydiid Ali

Dagaal Ooge Mohammed Jabbateh oo lagu riday Xukun adag (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Shir Madaxeed ka socday Baku oo qarka u saaran fashil iyo hal arrin oo sabab …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---