Allbanaadir.com
NEWS

FIFA oo aqoonsatay mid ka mid ah labadii doorasho ee dhowaan ka dhacay Muqdisho

Xiriirka Kubadda Cagta Adduunka (FIFA) ayaa si rasmi ah u aqoonsatay Madaxweynaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta Soomaaliya oo dhowaan loo doortay Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiino).

Talaabadan FIFA ayaa soo afjartay khilaaf iyo isqabqabsi muddo dheer ka taagnaa doorashada hogaanka xiriirka Kubada cagta Somalia.

Khilaafkaas oo xalintiisa ay ku guuldareysteen Wasaarada Isbooriga DF iyo FIFA ayaa sababay in magaalada Muqdisho ay hal maalin ka wada dhacaan labo doorasho oo iska horjeeda ka dib markii xiriirka kubada cagta uu u kala jabay labo garab.

Doorashada ayaa siyaabo kala duwan ergooyin la soo xulay ugu kala doorteen Madaxweynaha xiriirka kubadda cagta Soomaaliya  Xasan Aadan Xaaji Yabarow Wiish iyo Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine).

Hase ahaatee FIFA ayaa ugu dambeyn aqoonsatay doorashada Cali Shiine, waxaana sidaas ku hungoobay Xasan Aadan Xaaji Yabarow Wiish oo isna garabkiisu u doorteen gudoomiye kaasoo haatan ku soo dhacay meel cidlo ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Deni oo dhagax dhigay Wejiga 2aad ee dhismaha dekeda Garacad (Sawirro)

Caydiid Ali

Siyaasiyiin badan oo raadinaya xilka Ra’isul Wasaaraha iyo Xasan Sheekh oo go’aan laga sugayo

Cabdi Cade

Golaha Shacabka oo ka dooday Hindise Sharciyeed xasaasi ah oo loo gudbiyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---