Guddoomiye ku Xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka 𝗠𝗮𝗿𝘄𝗼 𝗦𝗮𝗰𝗱𝗶𝘆𝗮 𝗬𝗮𝗮𝘀𝗶𝗶𝗻 𝗫𝗮𝗮𝗷𝗶 𝗦𝗮𝗺𝗮𝘁𝗮𝗿 ayaa shir guddoomisay Kalfadhiga 2aad kulankiisa 25aad ee Golaha Shacabka BJFS ayadoo uu goobjoog ahaa Guddoomiye Ku xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐮𝐥𝐥𝐚𝐚𝐡𝐢 𝐂𝐮𝐦𝐚𝐫 𝐀𝐛𝐬𝐡𝐢𝐫𝐨𝐰
Kulanka oo ay soo xaadireen 152 Xildhibaan ayaa ajendihiisu Ahaa.
1)Akhrinta 3aad iyo U codeynta Hindise Sharciyeedka Socdaalka
2)Dhameystirka Warbixinta Akrinta 2aad Ee Hindise Sharciyeedka La-dagaalanka Argagixisada
2)Ka doodista Warbixinada Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedyada Dhowrista Xogta
3)Ka doodista Warbixinada Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Maareynta Deeganka.
Guddoomiye ku Xigeenka 1aad ee Golaha 𝐌𝐚𝐫𝐰𝐨 𝐒𝐚𝐜𝐝𝐢𝐲𝐚 𝐘𝐚𝐚𝐬𝐢𝐢𝐧 𝐗𝐚𝐚𝐣𝐢 𝐒𝐚𝐦𝐚𝐭𝐚𝐫
ayaa cod galisay Hindise Sharciyeedka Socdaalka waxaana Haa ugu codeeyay 145 xildhibaan waxaana diiday 1 xildhibaan waxaana ka aamusay 6 xildhibaan.
Intaasi kadib xildhibaanada Golaha shacabka BJFS ayaa dood adag ka yeeshay Sadaxda sharci ee kala ah Dhameystirka Warbixinta Akrinta 2aad Ee Hindise Sharciyeedka La-dagaalanka Argagixisada Iyo Ka doodista Warbixinada Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedyada Dhowrista Xogta Iyo Ka doodista Warbixinada Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Maareynta Deeganka, xildhibaanada ayaa intooda badan doododa ku saleysneeyd toosin iyo talosoojeedin ku aadan sharciyada kor ku xusan
Ugu dambeyntii guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka 𝗠𝗮𝗿𝘄𝗼 𝗦𝗮𝗰𝗱𝗶𝘆𝗮 𝗬𝗮𝗮𝘀𝗶𝗶𝗻 𝗫𝗮𝗮𝗷𝗶 𝗦𝗮𝗺𝗮𝘁𝗮𝗿 oo shir guddoomineysay kulanka ayaa soo xirtay, iyadoona fartay Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka BJFS 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞. 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐫𝐚𝐱𝐦𝐚𝐚𝐧 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐮𝐮𝐝 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐮𝐥𝐥𝐞 “𝐉𝐚𝐚𝐛𝐢𝐫𝐢” in Sadaxda sharci Akhrintooda 3aad uu ku wareejiyo Guddiyada ku shaqada lah.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com