Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Boqorka Saudia Arabia oo qaaday talaabo weyn oo ka farxisay dowlada Turkiga

Sacuudiga ayaa maanta sheegay inay $5 bilyan ku shubeyso Bankiga Dhexe ee Turkey, taasoo taageero xooggan u ah dalkaas oo la tacaalaya sicir-barar xooggan iyo waxyeelada dhul-gariirkii ku dhuftay bishii tegtay.

Ahmed Al Khateeb, oo ah wasiirka dalxiiska Sacuudiga, iyo xubin ka tirsan Sanduuqa Horumarinta Sacuudiga, ayaa heshiis la saxiixday guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Turkey Sahap Kavcioglu “si loo sameeyo lacag ku shubistan muhiimka ah ee $5 bilyan,” waxaa sidaas bayaan ay soo saartay ku tiri dowladda Sacuudiga.

“Lacag ku shubistan waxay caddeyn u tahay iskaashiga dhow iyo xiriirka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya Boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo Jamhuuriyadda Turkiga iyo shacabka walaalaha ah,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Go’aankan oo xoojin doona kaydka lacagta qalaad ee Turkiga, islamarkaana ka caawin doona inay la dagaalanto sicir-bararka, ayaa lagu sameeyay amarka Boqor Salmaan iyo Dhaxal-suge Maxamed Bin Salmaan, ayuu bayaanka intaas ku daray.

Tallaabadan ayaa muujineysa isku soo dhawaanshaha Riyadh iyo Ankara kadib markii xiriirkooda uu soo gaaray dhaawac culus oo ka dhashay dilkii 2018-kii ee saxafiga Sacuudiga Jamaal Khaashuqji, oo lagu dhex-dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Casho sharaf sagootin ah oo loo sameeyey Madaxda 5ta dowlad goboleed (Sawirro)

Caydiid Ali

(Akhriso Magacyada) Guddiga Badbaadada Doorashooyinka oo hogaan cusub doortay

Caydiid Ali

Jabuuti oo shaacisay in Turkiga xal ka keeni karin khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya

Cabdi Cade