Rugaha ganacsiga ee Maamul goboleedada dalka ka jira ayaa qoraal wadajir ah ay soo saareen ku cadeeyay in waxbo kama jiraan tahay warqada sumadeedu tahay SCCI/036/23 ee ku taariikhaysan 01.03 .2023, taas oo baxday guddoonka rugta ganacsiga Soomaaliyeed ee waqtigooda dhammaaday.
Qoraalka kasoo baxay rugta ganacsiga iyo warshadaha ee waqtigeeda dhammaaday ayaa lagu magacaabay guddi la sheegay in ay qaban qaabinayaan doorashada guddoonka rugta Ganacsiga, waxaana qoraalka lagu sheegay in guddigan la ogeysiiyay rugaha ganacsi ee dowlad goboleedyada.
Rugaha ganacsi ee dowlad goboleedyada qoraalka ay soo saareen ayey ku shaaciyeen in aysan waxba kala socon warqadaasi sidoo kale aysan aqoon saneyn rugta ganacsiga , waxa ayna cadeeyeen in muddo xileedka rugtaasi uu dhammaaday bishii Maarso ee sannadkii hore.
Waxa ayna sheegeen xubnaha guddiga lagu sheegay in aysan iyagu soo magacaabin sidoo kale wax aqoon ah u laheyn, waxa ayna shaaciyeen in xubnahaasi laga soo qoray xafiiska Gabeyre.
Halkan ka Akhriso qoraalka kasoo baxay rugaha ganacsi ee dowlad goboleedyada iyo qoraalkii horey usoo saarreen rugta ganacsiga ee waqtigeeda dhammaaday.,
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com