Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Ciidamo Soomaali & Maraykan isugu jira oo weeraray duleedka degmada Balcad

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo Gobolka Sh/Dhexe ciidamo wadajir ah oo ka kooban Kumaandoska Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ayaa weerar qorsheysan oo cir iyo dhul ah ku qaaday saldhigyo ay kooxda Al-shabaab ku leeyihiin degaano degmada Balcad hoos taga.

Howlgalkan oo bilowday duhurnimadii maanta ayaa lagu qaaday Saldhiga Al-shabaab ku leeyihiin tuulada Basra iyo degaano kale oo hoos taga degmada Balcad.

Dadka degaanka ayaa sheegaya inay maqlayaan rasaas culus iyo madaafiic halkaasi ka dhaceysa, iyadoo uu jahwareer badan badan ka jiro degaanada la weeraray.

Weerarka ayaa ku bilowday duqeyn dhinaca cirka ah oo ay fulinayaan diyaaradaha aan duuliyahalaheyn ee Mareykanka, iyadoo dagaal toos ah oo dhinaca dhulka ah ay degaanka Basra ku qaadeen ciidamada Kumaandoska Soomaaliya oo taageero ka helaya kuwa Marayanka.

Lama oga illaa hadda khasaaraha ka dhashay howlgalkan oo soo gaaray illaa galabnimada xiliga geeska Afrika, iyadoo saraakiisha dhinacyada is haya aysan weli wax war ah ka soo saarin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

DF oo Imtixaan u furtay dadka badan 13 kun oo u tartamaya..

Caydiid Ali

Ruushka oo shaki weyn ka muujiyey in kooxda Daacish ay fulisay weerarkii Moscow

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan Sheekh oo taliye ciidan u magacaabay Admiral Cabdi Warsame

Cabdi Cade
Taboola Ads ---