Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxay ka wada hadleen Xassan Shiikh & dhigisa Ismaaciil Cumar Geelle? (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan doceed la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Labada Madaxweyne aya ka wada qeyb-galaya Madasha 5-aad ee Qaramada Midoobey ee dalalka soo koraya oo ku qabsoontay magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

Waxay ka wada hadleen mideynta mawaaqifta labada dal ee fagaareyashan, si loo xaqiijiyo danaha wadajirka ah ee ay wadaagaan Soomaaliya iyo Jabuuti, iyadoo mudnaanta la siinayo horumarka iyo xasilloonida Gobolka.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa inta ay ka qeyb galayaan Madasha 5-aad ee dalalka soo koraya, waxa ay kulammo la qaadanayaan madaxda iyo hoggaamiyeyaasha ka soo qeyb-galaya madashan, si loo xoojiyo danaha iskaashi ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dul istaagaya xaaladda jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Qatar, isagoo mudnaan siinaya xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Musharax Guuleed oo Baaq Deg deg  ah kasoo saaray Qaraxii  ka dhacay magaalada Gaalkacyo

Cabdi Cade

Kaalintee Somalia ka gashay dalalka caalamka ugu awooda badan dhinaca Milateriga?

Caydiid Ali

Kulamo Xasaasi ah iyo is kooxeesi ka bilowday magaalada Dhuusomareeb

Cabdi Cade
Taboola Ads ---