Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xamse Barre oo la kulmay wafdi sare oo ay horkaceysay Mss Rita Laranjinha (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa galabta qaabilay wafdi ka socday Midowga Yurub oo ay hoggaamineysay sarkaalka ugu sarreeya Afrika, Danjire Rita Laranjinha oo booqasho ku timid magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga, xiriirka iyo wax wada qabsiga u dhaxeeya labada dhinac ee Soomaaliya iyo Midowga Yurub.

Hamza Abdi Barre ayaa uga mahad celiyey Midowga Yurub taageerada ay la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed iyo mashaariicda horumarineed ee ay dalka ka fuliso.

“Ra’isul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday Midowga Yurub oo uu hoggaaminayay Madaxa Midowga Yurub ee Afrika Amb. Rita Laranjinha, oo Muqdisho u joogta inay sii waddo wadahadallada ku saabsan xoojinta iskaashiga istiraatijiyadeed iyo iskaashiga ee u dhexeeya Soomaaliya iyo EU” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Midowga Yurub.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya oo la kulmay dhigiisa dowladda Kenya

Caydiid Ali

Gabar Guuldaro Jaceyl darteed u qaadatay Go’aan nolosheeda wax ka bedelay ! (Sawirro)

Cabdi Cade

Doorashada Kursi ka mid ah Golaha shacabka oo ka dhacday Magaalada Jowhar

Caydiid Ali
Taboola Ads ---