Sarkaal iyo labo dagaalyahan oo ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa isku dhiibay Ciidamada degaanka ee ka dagaalamaya bariga Gobalka Galguduud.
Gudoomiyaha degmada Baxdo Maxed Cabdullaahi ayaa warbaahinta u xaqiijiyey arrintan, isagoo sheegay in ragga isa soo dhiibay la soo dhoweeyey.
Sarkaalka isa soo dhiibay ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Xassan Warsame Cabdiraxmaan (Jabal)
“Horjoogahaan ayaa ka mid ah kuwa muhiimka u ahaa Khawaarijta ka dagaalamaysa Galmudug waxaana ay qeyb ka yihiin tiro Maleyshiyaad ah oo maalmihii la soo dhaafay si isdaba joog ah uga soo baxayay safka Khawaarijta” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaarada warfaafinta Somalia.
Al-shabaab kama hadlin warkan sheegaya iney ka soo goosteen sarkaal iyo xubno kale, loogamana baran iney ka hadlaan arrimaha noocan ah.
Al-shabaab kama hadlin warkan sheegaya iney ka soo goosteen sarkaal iyo xubno kale, loogamana baran iney ka hadlaan arrimaha noocan ah.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com