Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse oo Boggaadiyay shaqo ay qabteen Guddi la magacaabay (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa shir guddoomiyey kulankii koowaad ee Guddiga Heer Qaran ee Hagista Mashruuca Dib-U-Daabicista Shillin Somaaliga, kaasi oo looga hadlay sidii loo dardar galin, isla markaana dib u habeyn loogu samayn lahaa Shillin Soomaaliga.

Guddoomiyaha Bangiga dhexe iyo xubnaha Guddiga ayaa warbixin faahfaahsan ka siiyey Ra’iisul Wasaaraha waxyaabihii u qabsoomay intii Guddigu shaqaynayay, iyadoo laga ambaqaadayo siyaasadda Xukuumadda Dan-Qaran ee dib-u-habeyta dhaqaalaha dalka gaar ahaan soo celinta Shillin Soomaaliga, taasoo wax badan ka beddeli doonta dhaqaalaha dadka dan-yarta ah ee dalkeena.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyay xubnaha guddiga shaqada ay qabteen, isagoo tilmaamay in mashruucan dib u daabicidda Shillin Soomaaligu waxwayn ka badali doono dib u habeynta hay’adaha dhaqaale ee dalka, isla markaana haddii mashruucan uu guulaysto uu qayb wayn ka qaadanayo hoos u dhigidda dhaqaale yarida iyo saboolnimada.

Shirkan oo ah kii ugu horeeyey ee ay guddigu yeelato ayaa waxa ka soo qayb galay dhamaan xubnaha Guddiga, iyadoo Wasiiradda Maaliyadda Dowlad Gobolleedyada iyo Baanka Adduunka ay shirka kaga qayb galeen online.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasaaradda Difaaca oo War kasoo saartay Iska horimaadkii ka dhacay Garoonka Jowhar

Cabdi Cade

In ka badan 200- Sargaal oo loo xiray Afgembigii fashilmay ee ka dhacay Itoobiya

Cabdi Cade

Madaxweynaha Mareykanka oo laga qaadi waayey awoodda uu ku weerari karo Iran

Cabdi Cade
Taboola Ads ---