Allbanaadir.com
NEWS

Xukun adag oo lagu riday Ayuub Cismaan iyo Dambiga loo heesto oo la shaaciyay

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa xukun adag oo xabsi ah ku riday Ayuub Cismaan Sheekh Aadan Isxaaq oo ah 24-jir ah, waxaana ninkan lagu helay dambi ah in uu katirsanaa kooxda Al Shabaab.

Ninkan xukunka lagu riday ayaa horey uga soo goostay Al Shabaab iskuna dhiibay dowladda, waxa uuna in muddo ah ku jiray xarun dhaqan celin ah, iyadoona markii uu dhameestay lana fasaxay la sheegay in uu dib ugu laabtay Al Shabaab.

Xeer ilaalinta maxkamadda ayaa sheegtay in Ayuub uu ku soo bartay bamba tuurista tuulada Siigaale ee Janaale, shaqadii ugu horeysay wuxuu bambo F1 ku tuuray ciidan roondo ku jiray Janaale, waxaana gacanta kusoo dhigay ciidanka uu bambada ku tuuray.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo soo gabagabeesay dhageysiga dacwadaha loo heestay Ayuub Cismaan Sheekh, waxa ayna maxkamadda ku xukuntay 15-sanno oo xabsi ciidan ah , waxaana xukunsanaha la siiyay fursad uu racfaan ku qaadan karo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Siyaasi kasoo jeeda Xawaadle oo loo balan qaaday Madaxweyne kuxigeenka Hirshabelle iyo Lacag

admin

Labo kamid ah Musharaxiintii u taagneyd Xilka Madaxweyne kuxigeenka Galmudug oo tanaasulay

Cabdi Cade

Hotel ku yaalla degmada Baraawe oo la weeraray iyo Al-Shabaab oo sheegatay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---