Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda Soomaaliya oo labo arrin muhiim ah ka dalbatay UK in ay ka taageerto (Sawirro)

Wasiirka Gaashaandhiga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa kulan gaar ah la qaatay sii hayaha Safaaradda Boqortooyada Ingiriiska Ed Barnett.

Kulankaas ayaa looga hadlay sidii Boqortooyada Ingiriiska ay Dowladda Soomaaliya uga taageeri laheyd howl-gallada lagu ciribtirayo Al Shabaab ee ka socda gobollada dalka.

Wasiirka Jaamac ayaa Danjiraha kala hadlay inay dowlaadda Soomaaliyeed ka taageeraan sidii looga qaadi lahaa cunaqabateynta hubka muddada fog saaran, arrinkaas oo laf-dhabar u ah dadaalka loogu jiro ciribtirka Khawaarijta.

Ugu dambeyn, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa uga mahad celiyey Boqortooyada Ingiriiska kaalinta ay ka qaadato dhisidda ciidan hanta guud ahaan amniga dalka.

Sii hayaha Safaaradda Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya Mudane Ed Barnett ayaa dhankiisa bogaadiyey howl-gallada ka socda guud ahaan dalka Soomaaliya ee lagu ciribtirayo Khawaarijta Al-Shabaab.

Related posts

Maraykanka oo digniin adag u diray Madaxweynaha cusub ee dowlada Iran

Caydiid Ali

Duqa Muqdisho oo la xisaabtamay Guddoomiyaal Degmo ammar cusubna siiyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Digniin adag oo loo diray ciidamada ilaaladada Madaxtooyada Puntland (Sawirro)

Cabdi Cade