Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo madax kala duwan kula kulmaya Dooxa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qatar, halkaas oo uu kaga qeyb-galayo Shirka ay hoggaaminayso Qaramada Midoobey ee dalalka soo koraya.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa inta ay ka qeyb galayaan Madasha 5-aad ee dalalka soo koraya, waxa ay kulammo la qaadan doonaan madaxda iyo hoggaamiyeyaasha ka soo qeyb-galaya madashan, si loo xoojiyo danaha iskaashi ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dul istaagaya xaaladda jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Qatar, isagoo mudnaan siinaya xoojinta xiriirka iyo iskaashiga  labada dal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mid ka mid ah horyaalada ugu xiisaha badan K/Cagta Yurub oo dib loo bilaabay

Caydiid Ali

Video: Tirada Soomaalida oo 35 Milyan gaari doonta sanadka 2050 & Warar kale oo xiiso badan

admin

Puntlnad oo ka hadashay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran iyo waxa kasoo bixi kara

Cabdi Cade
Taboola Ads ---