Allbanaadir.com
NEWS

Dil iyo qarax caawa ka dhacay degmo ka tirsan Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Wiil dhallinyaro ah oo magaciisa lagu sheegay Cabaas Cali ayaa caawa lagu dilay garoon salax  banooniga lagu ciyaaro oo ku yaalla xaafada Raadeelka ee degmada Dayniile.

Rag biskoolado ku hubeysan ayaa wiilkan ku dhuftay dhowr xabadood xilli uu ku sugnaa Salaxa ku yaalla agagaarka Iskoolka Niil, lamana iga ilaa hadda sababta loo dilay wiilkan iyo waxa uu ahaa.

Al Shabaab ayaa Muqdisho ka bilowday in ay dilaan dhallinyarada ay ku sheegeen ciyaal weerada iyo sidoo kale kooxaha ka ganacsada maan-dooriyaha.

Dhinaca kale Qarax xooggan ayaa goordhaw ka dhacay gudaha xarunta waaxda Halgan ee ku taalla xaafada Raadeelka ee degmada Dayniile.

Lama oga ilaa hadda khasaaraha ka dhashay qaraxan oo loo maleenayo in uu yahay nuuca miinada,

LA SOCO WIXII SOO KORDHA

Related posts

Ra’isul Wasaaraha Itoobiya oo goordhaw Muqdisho soo gaaray (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Raisul Wasaare Rooble oo caawa Isbitaalka ku booqday dhaawaca Macalimu (Sawirro)

Caydiid Ali

Shir Muqdisho ugu soo xirmay DF & dowlad goboleedyada oo shan qodob laga soo saaray (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---