Allbanaadir.com
NEWS

Golaha Aqalka sare oo la horgeeyey xeer cusub oo bilow u ah qorshe muddo kororsi

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga labaad kulankiis 19-aad.

Ajandaha Kulanka: Qaybinta Xeerka Gaarka ah ee Habraaca Nidaamka Dib u eegista iyo  Wax-ka beddelka Dastuurka KMG.

2.Akhrinta Kowaad ee Hindise Sharciyeedka Dhowrista Maalgashadayaasha iyo Maalgashiga.

  1. Akhrinta Kowaad ee Hindise Sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Dadweynaha.

Wasiirada Wasaaradaha Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan beenebeene iyo Wasirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u heshiisiinta, Mudane Axmed Macalin Fiqi, ayaa Sanatarrada Aqalka Sare u akhriyay labadaas sharci oo ka mid ah sharciyada Dalka muhiimka u ah.

Guddoomiye Cali Shacbaan oo kulanka soo xiray ayaa Guddiyada Arrimaha Gudaha iyo arrimaha Dibadda iyo qorshaynta Aqalka Sare, faray in ay la wareegaan labadaas sharci oo ay ka soo gudtaan waajibaadkooda kuna soo celiyaan Golaha si akhrintiisa labaad loo gudagalo.

Related posts

13 heyaddo caalami ah oo ka digay talaabo halis ah oo Israel qorsheyneyso

Caydiid Ali

Tuuladii u dambeysay gobolka Sh/dhexe oo ka baxday gacanta Al-Shabaab (Sawirro)

Caydiid Ali

Bandow lagu soo rogay Baladweyne ka dib dagaalo & rabshado ka dhacay

Caydiid Ali