Allbanaadir.com
NEWS

Somaliland oo lagu Eedeeyay in ay afduubteen dad Shacab ah qaarkoodna dileen

Duqa magaalada Laascaanood Cabdiraxiin Cali Ismaaciil ayaa ku eedeeyay ciidamada maamulka Somaliland in ay afduubteen dad shacab ah oon wax lug ah ku laheyn dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Waxa uu sheegay duqa Laascaanood in ciidamada Somaliland duleedka magaalada  ka afduubteen dad shacab ah oo u badnaa xoogsato iyo dad barakac ah, waxa uuna tilmaamay in dadkaasi qaarkood dileen, halka kuwa kalana maxaabiis dagaal ka dhigteen.

“Somaliland waxay maxaabiis ahaan u kaxeysteen dadkii beeraleyda ahaa ee magaalada ka agdhawa iyo dadkii reer guuraaga ahaa ee xoolo dhaqatada ah iyo wax ma haystadii ka agdhaweyd magaalada, oo leeyihiin waxaa haysana maxaabiis dagaal, mana ahan ee waa dadka sidaas ah.” ayuu yiri duqa Laascaanood.

Duqa Laascaanood ayaa sheegay in ciidamada maamulka Somaliland xasuuq daran ka wadaan magaalada Laascaanood, waxa uuna ugu baaqy shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka in taageero u fidiyaan dadka la xasuuqayo.

Dagaalka magaalada Laascaanood ayaa galaaftay nolosha dad ka badan 200-qof oo shacab u badnaa, waxaa sidoo kale guryahooda ka baraacay boqolaal kun qof ,kuwaa oo ku dhibaateesan meelo kala duwan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Farmaajo oo ka fal celiyey hadalkii uu saaka Shiikh Shariif ka jeediyey Golaha Shacabka

Caydiid Ali

Xukuno adag oo lagu riday askar ka tirsan AMISOM oo shacab ku laayey Somalia

Caydiid Ali

Kiisaskii ugu badnaa ee cudurka COVID-19 oo laga helay xaafada Soomaalidu degto ee Islii

Caydiid Ali
Taboola Ads ---