Allbanaadir.com
NEWS

Puntland oo si kulul u beenisay Eedeyn culus oo uga timid maamulka Somaliland

War saxaafadeed kasoo baxay maamulka  Puntland ayaa lagu beeniyay eedeyn uga timid maamulka Somaliland oo ku aadanaa in ciidamada Puntland qeyb ka yihiin dagaalka ka socda Laascaanood.

Puntland warka kasoo baxay ayaa lagu sheegay in ciidankooda  aysan qayb ka ahayn dagaalka ka socda magaalada Laascaanood, waxa ayna Puntland sheegtay in ay qadarineyso Soomaalininada iyo xasilloonida.

“Dagaalkaani wuxuu u dhaxeeyaa oo kali ah dadka deegaanka oo naftooda iyo aayahooda difaacaya iyo Somaliland oo rabta in ay xoog ku haysato, qori caaraddiisna ku hirgeliso mashruuceeda gooni-goosadka ah” ayaa lagu yiri warka Puntland kasoo baxay.

Related posts

Mareykanka oo Doonaya in Wadahadal lagu dhameeyo Muranka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya

Cabdi Cade

Mashruuc Cusub oo lagu soo kordhiyay Garoonka Maagaalada Muqdisho iyo Xaaladda Soomaaliya iyo Kenya oo meel Xun gaartay !!

admin

Wasiir Benzema la xiriiriyay Ururka Ikhwaanul Muslimiin oo Maxkamad lala tiigsanayo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---