Meydadka labo caruur ah ayaa saaka waxaa laga helay xeebta Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.
Caruurtan ayaa inta aan meydadkooda la helin waxaa muddo la weysanaa halka ay jaan iyo cirib dhigeen.
Waalidiinta mid ka mid ah caruurtan badda ku dhintay ayaa sheegay in caruurtan ay muddo maalmo ah weysanaayeen, balse saaka lagu soo wargaliyay in laga helay meydkooda xeebta magaalada.
Kalluumeysatada Boosaasa ayaa soo helay meydka caruurtan oo badda dul sabaynayey ka dib markii xilli ay dabaalanayeen ay ku qaraqmeen.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com