Allbanaadir.com
NEWS

Baarlamaanka Soomaaliya oo qorsheenaya Muddo kororsi iyo Warqad sir ah oo la helay

Baarlamaanka federaalka Soomaaliya labadiisa aqal ayaa qorsheenaya in ay sameestaan muddo kororsi, waxaana xubno guddi ah oo ka kooban labada aqal ee baarlamaanka loo xil saaray ka shaqeynta muddo kororsiga.

Guddigan katirsan baarlamaanka ee loo xil saaray meel marinta muddo kororsiga ayaa kulamo kala duwan yeeshay, waxa ayna xubnahan doodo adag ka yeesheen sida suurto gal u noqon karto in muddo xileedka dowladda looga dhigo muddo 5-sanno ah.

Xubnaha guddigan ayaana dood dheer kaddib soo saaray go’aano ay kamid yihiin.

1-In baarlamaanka 7 maalin gudahood fadhi wadajir ah ay ku horgeeyaan in mudo xileedka Dawladda laga dhigo 5 sano oo ka bilaabanaysa May-2022.

2- In Warbaahinta lahadalkeeda iyo doodaha ka dhasha kajawaabidooda loo daayo Raysalwasaare kuxigeenkii hore Mahdi Max’ed Guuleed, oo isagu difaacaha noqon doona.

3-97 xildhibaan ayaa mooshinka kordhinta saxiixay, kaas oo lasoo bilaabay qoridiisa AUGUST-2022.

Qorshahan muddo kororsiga ay wadaan xildhibaanada tyaabacsan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa si weyn uga soo horjeeda xildhibaano kale, kuwaa iyana sameenaya is hortaag ku aadan qorshahan muddo kororsiga ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

James Swan oo shaaciyey qorshe cusub iyo Xaalada gobolka Gedo oo kacsan

Caydiid Ali

Farmaajo oo ka qeyb galaya kulan Saddex geesood ah oo beri ka furmaya dalka Itoobiya

Caydiid Ali

Safaarada Soomaaliya ee dalka Qadar oo Digniin soo saartay (Akhriso)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---