Allbanaadir.com
NEWS

Dhulgariir cusub oo ka dhacay qeybo magaalo ku taalla dalka Turkiga

Dhulgariir cabirkiisu dhan yahay 5 ayaa ku dhuftay gobolka Kahramanmaras ee koonfurta Turkiga subaxnimadii Jimcaha.

Maamulka Masiibooyinka iyo Maareynta Degdegga ah (AFAD) ayaa sheegay in dhulgariirku uu ku dhuftay degmada Onikisubat.

Dhulgariirku waxa uu dhacay 5.53 subaxnimo wakhtiga maxaliga ah, lama soo sheegin illaa hadda khasaare nafeed oo ka dhashay dhulgariirkan u dambeeyey.

Dalka Turkiga ayaa dhibane u aha dhulgariiro isdaba joog ah oo ku soo laalaabtay qeybo ka mid ah dalkaas kuwaasoo khasaarooyin kala duwan geystay

Dhulgariirka ayaa yimid iyadoo Turkiga uu la tacaalayo dhibaatadii ka dhalatay dhulgariirkii khasaaraha badnaa ee 6-dii Febraayo ka dhacay gobolka koonfureed ee dalka oo ay ku dhinteen ugu yaraan 45,089.

Qiyaasta 7.7 iyo 7.6 dhulgariirrada, oo xuddun u ahaa Kahramanmaras, ayaa saameeyay ilaa 13.5 milyan oo qof oo ku kala nool 10 gobol oo kale, oo ay ku jiraan Hatay, Gaziantep, Adiyaman, Malatya, Adana, Diyarbakir, Kilis, Osmaniye, Sanliurfa iyo Elazig.

 

 

Related posts

Qarax Xoogan oo goordhaw ka dhacay Isgooska Sayidka iyo Faah Fahaino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Max’ed C/risaaq Max’uud oo la wareegay xilkii uu u magacaabay RW Rooble (Sawirro)

Caydiid Ali

Qaar ka mid ah Soomaalida Mareykanka oo taageeray Trump

Caydiid Ali
Taboola Ads ---