Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Muxuu Aadan Madoobe ku soo arkay safaarada Soomaalida ee Qaahira? (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa booqday Safaaradda Soomaaliyeed ee dalka Masar, waxaana ku soo dhaweeyay danjiraha Soomaaliya ee Masar Amb. Ilyaas Sheekh Cumar iyo madaxda sare ee Safaaradda.

Danjire Ilyaas Sheekh Cumar ayaa Guddoomiyaha warbixin guud ka siiyay shaqada ay heeyso Safaaradda, waxaana uu tilmaamay in shaqada Safaarada ay horumarin ku sameeyeen, waxaana uu sheegay in juhdi badan lagu bixin doono sidii guul looga gaari lahaa hadafka dowladnimo ee dalkeenna.

Guddoomiyahaaya Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa gunnaanadka mas’uuliyiinta safaarada ku boggaadiyay doorkooda muhiimka ah ay ka qaateen u qareemida Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Masar iyo Jaamacada Carabta, isagoo ku dhiirageliyay in lasii laba jibaaro dadaalada horumarineed ee loogu adeegaayo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Puntin oo ka hadlay bartilmaameedka gantaalo culus oo lagu garaacay Kyiv

Cabdi Cade

Abiy oo Erdogan ka aqbalay ilaalinta madax banaanida Somalia

Caydiid Ali

Abaabul Dagaal oo ka socda Deegaano katirsan Galgaduud iyo Odayaal hubka qaatay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---