Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamo cusub oo Nabad ilaalin ah oo laga soo dejiyay Muqdisho iyo Dalka ay ka socdaan (Sawirro)

Magaalada Muqdisho waxaa shalay laga soo dejiyay ciidamo cusub oo nabad ilaalin ah oo ka socda dalka Uganda, kuwaa oo kamid noqonaya ciidamada booliiska ee ku shaqeenaya magaca howlgalka midowga Afrika ee ATMIS.

Ciidamadan ka socda booliiska dalka Uganda oo gaaraya 144-askari waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay saraakiil katirsan ATMIS, waxa ayna ciidankan badaleen ciidamo kale oo dhameestay waajibaadkoodii shaqo.

Howlgalka midowga Afrika ee ATMIS ayaa sheegay in ciidamadan ka socda Uganda in ay ka hoos shaqeyn doona qeybta booliska ATMIS qeybta Booliska ee Formed Police Unit (FPU),iyaga oo ka garab shaqeyn doona cutubyo kale iyo saraakiil boolis gaar ah (IPOs) si ay taageero shaqo iyo tayayn u siiyaan booliska Soomaaliyeed (SPF). .

Ciidamadan cusub ayaa noqonaya kii kow iyo tobnaad ee dowladda Uganda u soo daadgureeyaan Soomaaliya si ay u taageeraan howlgallada taageerada nabadda ee Midowga Afrika ka wadaan qaar kamid ah gobolada dalka .

Booliiska ATMIS ayaa ka shaqeeya ilaalinta xarumaha muhiimka ah ee dawladda, bixinta waajibaadka gelbinta ee Saraakiisha booliska shakhsi ahaaneed, ilaalinta VIP-da wufuudda soo booqanaysa iyo samaynta roondo wadajir ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Booliiska oo Shaaciyay cida Masuulka ka ah Falalka amni darro ee Muqdisho kusoo korortay

Cabdi Cade

Maraykanka oo qaadaya talaabo sii xumeyneysa xiisada kala dhexeysa Shiinaha

Caydiid Ali

Deni oo la kulmay xubnaha Puntland ku metala Goleyaasha dowladda Somalia (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---