Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaan lagu dilay magaalada Boosaaso iyo Faah faahino kasoo baxaya

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in kooxo hubeesan magaaladaasi ku dileen xildhibaan ka tirsanaa golaha deegaanka magaalada Badhan ee gobolka Sanaag.

Kooxo hubeesan ayaa rasaas culus ku dhuftay xildhibaan  C/raxmaan Xaajii Maxamed, waxaana dhaawac culus oo xildhibaanka kasoo gaaray xalay rasaasta lala dhacay saakay ugu geeriyooday isbitaal kuyaalla Boosaaso.

Ciidamada booliiska iyo kuwa sirdoonka ee ka howlgala magaalada Boosaaso ayaa wada baaritaano ku aadan dilka xildhibaanka, waxa ayna saraakiisha ciidamada sheegeen in gacanta lagu soo dhigi doono kooxihii dilka ka dambeeyay.

Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari Puntland ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay ammaankeeda soo hagaagayay, waxaana dilkan loo geestay xildhibaanka katirsanaa golaha deegaanka Badhan cabsi ku abuuray masuuliyiinta magaalada joogta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Digniin culus oo laga soo saaray Tahriibka iyo Mucaaradka Soomaaliya & Somaliland oo u jawaabay Xukumadda Soomaaliya!!

admin

Weerar ku bilowday qaraxyo ismiidaamin ah oo lagu qaaday saldhiga AMISOM ee Buulo-mareer

Caydiid Ali

Qaybta 2aad :-Maxaa kala qabsaday Nebi Nuux CS iyo Qoomkii loo diray? (Qiso cajiib ah)

admin
Taboola Ads ---