Ku-simaha guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Marwo Sacdiya Xaaji Yaasiin Samatar ayaa shir guddoomisay Kalfdhiga 2aad kulankiisa 24aad ee Golaha Shacabka BJFS ayadoo uu goobjoog ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow
Kulanka oo ay soo xaadireen 147 Xildhibaan ayaa ajendihiisu ahaa.
- Akhrinta 3aad iyo u codeynta hindise Sharciyeedka dhowrista. maalgashadayaasha iyo maalgashiga.
2) Akhrinta 3aad iyo u codeynta Hindise Sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaangalinta Dadweeynaha.
3) Qeybinta Warbixinta Akrinta 2aad Ee Hindise Sharciyeedka La-dagaalanka Argagixisada.
Intaasi kadib guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka BJFS Marwo Sacdiya Xaaji Yaasiin Samatar ayaa codgalisay labada sharci ee kala ah hindise Sharciyeedka dhowrista maalgashadayaasha iyo maalgashiga iyo Hindise Sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaangalinta Dadweynaha.
Hindise Sharciyeedka dhowrista maalgashadayaasha iyo maalgashiga waxaa Haa ugu codeeyay 145 xildhibaan waxaa diiday 2 xildhibaan wax ka aamusayna ma jiro dhanka kale waxaa cod la geliyay Hindise Sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaangalinta Dadweynaha.
Waxaa Haa ugu codeeyay 146 xildhibaan waxaa diiday 1 Xildhibaan wax ka aamusayna ma jiro.
Ugu dambeyntii Ku-simaha guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ahna guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo shir guddoomineysay ayaa soo xirtay kulanka maanta iyadoona sheegtay in ay Ansaxyahiin labada sharci ee kala ah hindise Sharciyeedka dhowrista maalgashadayaasha iyo maalgashiga, iyo Hindise Sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaangalinta Dadweeynaha
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com