Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Mareykanka oo dayuurad saanad milateri wada ka soo dejiyey Muqdisho

Dowlada Mareykanka ayaa horey sidan oo kale madaxooda lacag dul saaray saraakiil iyo hogaamiyeyaal sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta saanad ciidan oo muhiim u ah dagaalka ka dhanka ah kooxaha Al-Shabaab.

Dayuurad xamuul ah oo ay leeyihiin ciidamada Mareykanka ayaa garoonka Aadan cadde ka soo dejisay shixnado saanad milateri ah oo kooban rasaas, qoryaha fudud iyo agab kale oo milateri.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa saanadda ciidan kala wareegay, Mr. Tim Trenkle oo ah sii hayaha Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya.

Mudane Jaamac ayaa dowladda Maraykanka ugu mahadceliyay taageerada hagar la’aaneed ee ay u fidiyeen Ciidanka xoogga dalka, xilli xasaasi ah oo ay dowladda iyo shacabkuba ku jiraan dagaal ka dhan ah al-shabaab.

Dhanka kale, Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, Generaal Odawaa Yuusuf Raage ayaa isna taageeradan saanadda Ciidan ah ku tilmaamay mid muhiim u ah la dagaallanka al-shabaab

Taliyaha ayaa xusay in taageerada Maraykanku aysan ahayn saanaddan ay maanta keeneen oo keliya balse ay dhiiggooda iyo naftooda u hureen dagaalka lagula jiro al-shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Dagaal culus oo Maalintii 2aad ka socda Dhabar-dalool & Puntland War ka soo saartay

Caydiid Ali

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo magacaabay Saddex safiir

Caydiid Ali

Gaari Weyn oo loo adeegsaday Qaraxii Muqdisho iyo Cumar Finish oo ka hadlay Khasaaraha

Cabdi Cade
Taboola Ads ---