Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlada Somalia oo shaacisay duqeyn lagu dilay Saraakiil ka tirsan Al-shabaab

Inta la xaqiijiyay 10 ka tirsan Al-Shabaab oo ay ku jiraan saraakiil ayaa lagu dilay howlgal ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka iyo Saaxiibada Caalamiga ah ka sameeyeen Degaanka Buurweyn oo 23-km Waqooyi Galbeed ka xiga degmada Jalalaqsi sida lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay dowlada Soomaaliya.

“Howlgalkaan ayaa lagu beegsaday Horjoogayaal ay ku raad joogeen Sirdoonka Soomaaliya kuwaas oo saarnaa Gaari uu leeyahay Horjooge Ibnu Bashiir oo ah horjoogaha maleeshiyada ay khawaarijta ugu yeeraan Xisbada ee gobalka Hiiraan, wuxuuna xilligaasi taagnaa gaariga meel fariisin u ahayd maleeshiyaad badan oo khawaarij ah” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka.

Sidoo kale War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay magacyada saraakiisha lagu dilay howlgalkaas.

“Waxaa howlgalkaan lagu dilay Horjoogihii Guud ee Caafimaadka maleeshiyada ay ugu yeeraan xisbada Gobalka Hiiraan oo lagu magacaabi jiray Muxsin iyo Horjooge Anas oo ahaa Horjoogihii isla maleeshiyadaas u qaabilsanaa aagga Jalalaqsi, sidoo kale waxaa howlgalkaan lagu dilay maleeshiyaad kale oo saarnaa gaariga iyo kuwa joogay halka uu howlgalka ka dhacay” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Dhinacyada ku dagaalamaya dalka Sudan oo kala saxiixday heshiis cusub

Caydiid Ali

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Puntland oo beeniyay War laga faafiyay

Cabdi Cade

Wasiirka A/dibeda Somalia oo afar arrin kala hadlay dhigiisa Ivica Dačić

Caydiid Ali
Taboola Ads ---