Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Booliska DF oo sheegay iney qabteen askari darawal bajaajle ku toogtay Muqdisho

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sadiiq Aadan Cali (Doodisho) ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen eedeysane dhaawac u geystay wade mooto Bajaaj xilli uu marayay agagaarka laami yaraha Zope ee magaalada Muqdisho.

“Ciidanka Boliiska Soomaalyeed, ayaa gacanta ku haya eedeysanaha, waxaana ku socota baaris, waxaa dhawaan la horgeyn doonaa Maxkamadda awoodda u leh si uu cadaaladda u wajaho” ayuu yiri Afhayeenka Boliiska Soomaaliyeed.

Qoraal ka soo baxay taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in maanta abaare 10:30 Barqanimo, Degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, Waaxda General Daa’uud, agagaarka laami yaraha Zobe lagu dhaawacay, Cabdishakuur Cabdullaahi Cabdi oo wade ka ahaa Mooto Bajaaj M9C 398, Wiilkaan oo 23 Jir ah ayaa la sheegay inuu degganaa degmada Warta nabadda, waxaana gar gaar Caafimaad u fidiyay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Boolisku kama hadlin dhacdo kale oo askari ka tirsan ciidamada dowlada uu maanta ku dilay darawal kale oo ka mid ah dhalinta ku xamaasha mooto bajaajka, kaasoo wararku sheegayaan inuu baxsad ku jiro, welina aan gacanta lagu dhigin.

Shaqaaqadii foosha xumeyd ee xalay ka dhacday isgoyska Siinaay iyo dadka ay maanta dilka iyo dhaawaca u geysteen askarta dowlada ayaa isu geyn waxaa ku dhintay 13 qof oo shacab u badan.

“Shacabka waxaa la geliyay go’doon oo wadooyin horleh ayaa la xiray, canshuurta weli waa sidii, musuqa waa kordhay, siyaasiyiintii mashaariic ayaa laga raacay, nidaamka cadaaladda qofkii la rabo ayaa bilaa Maxkamad la iska xirtaa, gobalka Banaadir khilaaf ayuu ka bixi la’yahay, Madaxweyne Xasan Sheekh safar salka dhulka waa dhigi la’yahay, Raysal Wasaare Xamse iyo Xukuumadiisana waa hurdaan” ayuu yiri mid ka mid ah waxgaradka shacabka Muqdisho oo ka niyad jabsan dowlada Madaxweyne Xassan Shiikh.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo:-Shirkii koobnaa ee Baydhabo sabab ma u noqon karaa Burburka Shirka Muqisho

admin

Najib Razaq iyo Qoyskiisa oo loo diiday in ay ka baxaan Malaysia

Cabdi Cade

Nin caado ka dhigtay in sida Daanyeerka u socdo mudo 30-sano ah !! (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---