Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Falanqeyn) Muuse Biixi ma ka badbaadi karaa dembi dagaal iyo Maxkamad caalami ah?

Su’aasha Muuse Biixi weydiiyeen diblomaasiyiintu waa: Maxay ciidammadaadu u duqeynayaan Laascaanood? Muuse wuu og yahay in Soomaaliya lagu xukumo Qodobka 7 ee Qaramada Midoobay oo la saaro dalalka aan lahayn dowlad ku filan sugidda amniga dalka. Waa sababta ciidammo nabad-ilaalin ahi u joogaan Soomaaliya si halista argagixisada looga hortago, dadka Soomaaliyeedna noloshooda loo dhowro. Duqeynta ciidammada Somaliland u geysteen Laascaanood waxay yeelatay ugu yaraan hal saameyn: 1- Dunida waxay tustay in markii u kowaad kaddib dagaalkii labaad in magaalo ka tirsan dal ciidammo nabad-ilaalin ahi joogaan duqeyn ba’an kala kulmi karto qeyb kale oo isla dalkaas ka tirsan.

Guddoomiyaha Aqalka Wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed wuxuu sheegay in Muuse Biixi leeyahay mas’uuliyadda duqeynta ciidammada Somaliland u geysteen Laascaanood. Muuse Biixi wuu og yahay in Laascaanood ka mid tahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya iyo in heshiiskii Special Arrangement ee 2013 uu farayo Somaliland inay dhowrto xuquuqda Soomaalida. Wuxuu doortay inuu ku doodo in Laascaanood aysan ka mid ahayn Soomaaliya iyo in ciidammadiisu soo xirayaan soohdin u dhexeysay gumeystayaashii Talyaaniga iyo Ingiriiska. Xeerka gumeysigii ka tagay oo asaaska u ah Midowga Afrika waxaa lagu dabaqi karaa Soomaaliya hal mar oo keliya: Marka ay sheegato dhul Soomaali ku nooshahay oo dalalka deriska ah ku yaalla.

Xafiiska Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobaay ayaa ku tilmaamay duqeynta ciidammada Somaliland u geysteen Laascaanood mid jebinaysa Sharciga Caalamiga.

Muuse Biixi wuxuu jebiyay heshiiskii 1990kii Balligubadle ku dhexmaray ururkii SNM iyo ergo uu uu hoggaaminyay marxuum Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac. Qododka lafdhabarka u ahaa heshiiskaa waa: Siyaasadda ayaa qoriga hoggaaminaysa. Waa Madaxweyne Muuse Buuxi Cabdi iyo qofka lagula xisaabtami doono gaboodfallada ay geysteen ciidammada Somaliland. Warsidaha Africa Confidential wuxxuu ku tilmaamay go’aanka colaadeeed uu Muuse Biixi qaatay “gool dhiig ah oo ay Somaliland iska dhalisay.” Muuse Biixi Cabdi wuu ku fashilmay siyaasadda. Dagaal sokeeye ayuu u arkaa mid uu xukunka ku sii joogi karo. Uma suurtogali doonto.

W.Q: Maxamuud I. Aadan (Bustaale)
Cilmi baare sharciyeed oo ku nool Hargeysa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax Khasaaro dhimasho sababay oo ka dhacay Dhuusomareeb iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Xogta Kulamo aadan Madoobe la qaatay Safiirada dalalka UK & Imaaraadka (Sawirro)

Caydiid Ali

Nin ka lumay hooyadiis oo dib ula Midoobay ku dhowaad 50 sano ka dib (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---