Allbanaadir.com
NEWS

Dagaal culus oo saakay ka socda Laascaanood iyo Somaliland oo War culus kasoo saartay

Waxaa saakay dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada taabacsan maamulka Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka Laascaanood ka socdaa qeybo kamid ah magaalada .

Dagaalka saakay ka socda magaalada Laascaanood ayaa la isku adeegsanayaa hubka culus , waxaana madaafiic culus ciidamada Somaliland ku garaaceen qeybo kamid magaalada ay ku jiraan xarumo caafimaad.

War saxaafadeed kasoo baxay maamulka Somaliland ayaa lagu sheegay in saakay galbeedka magaalada Laascaanood farriisimo ay ciidanka ku lahaayeen soo weerareen kooxo ay ku tilmaameen nabad diid iyo argagsxiso.

War saxaafadeedka Somaliland kasoo baxay ayaa u qornaa sida tan:

WAR-SAXAAFADEED

Hargeya-28-02-2023(), waxaa fadhiisimada Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee Galbeed Magaalada Laascaanood soo weeraray kooxaha Nabad diidka iyo Argagixisada ah ee ku sugan Magaalada Laascaanood.

Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo ka duulaya in ay is difaacaan ayaa dhirbaaxo kulul ku dhuftay kooxaha huwanta ah ayna ku soo biireen Taliyayaal Ciidan oo ka yimi Magaalada Muqdisho.

Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland waxay diyaar u yihiin in ay shacabkooda ka difaacaan kooxaha Argagixisada ah ee gabaadka ka dhiganaya dadka shacabka,kooxahan oo isaga kala yimi meelo kala duwan.

Waxay Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland u cadaynaysaa Beesha Caalamka iyo wadamada jaarka ah in kooxahan Argagixisada ah ee dagaal kula jira Somaliland ay khadar ku yihiin nabadgelyada iyo Xasiloonida Gobolka Geeska Afrika, waxayna Dawladda Somaliland ku baaqaysaa in la iska kaashado kooxahan Argagixisada ah sidii looga sifayn lahaa Magaalada Laascaanood.

 

Related posts

Bob Menendez oo kahor yimid mudo kororsiga ay Golaha Shacabka sameeyeen

Cabdi Cade

Ciidamada AMISOM oo maanta dilay labo askari iyo qof kale oo shacab ah

Cabdi Cade

Maxaa ka qaldanaa Casho sharaftii xalay loo sameeyey Madaxweyne Geelle?!

Caydiid Ali
Taboola Ads ---