Allbanaadir.com
NEWS

Dagaal caawa ka dhacay Muqdisho iyo Guddoomiye degmo oo ku dhaawacmay

Waxaa goordhaw iska hor imaad u dhaxeeyay ciidamo katirsan dowladda Soomaaliya uu ka dhacay isgooska Siinay ee magaalada Muqdisho, waxaana iska hor imaadka ka dhashay khasaaro kala duwan.

Sida aan wararka ku helnay iska hor imaadka ayaa u dhaxeeyay ciidamo katirsan nabad sugida oo bar koontarool ku lahaa isgooska Siinay iyo ciidamo ilaalo u ahaa guddoomiyaha degmada Yaqshiid.

Iska hor imaadka dhax maray labada ciidan ayaa dhaliyay khasaaro dhaawac, waxaana dadka dhaawacmay ku jira sida wararka ku helnay guddoomiyaha degmada Yaaqshiid , waxaana la dhaawacmay askar kale oo la socotay.

Wali si dhab ah looma oga waxa sababay iska hor imaadka goordhaw ka dhacay isgooska Siinay, maalmo kahor ayey aheyd markii halkaasi sidan oo kale ugu dagaalameen ciidamada NISA ee koontaroolka joogay iyo ciidamo kale oo milatari ah.

Related posts

Eritrea oo ka jawaabtay Xasuuq lagu eedeeyey inay ka geysatay gobolka Tigrey

Cabdi Cade

Wasiirka Batroolka & Macdanta Soomaaliya oo looga yeeray xafiiska Xeer-ilaalinta

Cabdi Cade

Daawo:-Cumar Finish oo ku fashilmay Shaqadiisa kuna mashquulay Arimo Siyaasadeed !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---