Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo si weyn u Boggaadiyay Garab istaaga OIC (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa kulan la qaatay wafdi ka socda Ururka Iskaashiga Islaamka oo uu hoggaaminayey Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Arrimaha Siyaasadda, Danjire Yousef Muhammad Aldobeay.

Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Danjire Yousef ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo wadashaqeynta labada dhinac, gaar ahaan kaalinta ururku ka qaadanayo u gurmadka dadka ay abaaruhu saameeyeen iyo xasillinta deegaannada dhowaan laga xoreeyay Khawaariijta, waxa uuna Ra’iisul Wasaaruhu bogaadiyey garab istaagga ay OIC u muujinayso shacabka Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Yousef Muhammad Aldobea oo Ra’iisul Wasaaraha uga mahad-celiyey kulankan ayaa tilmaamay sida degdegga ah ee ay u soo ajiibeen baaqii dowladda Soomaaliya ee ku aaddanaa arrimaha bini’aadanimada iyo gurmadka deegaannada laga xoreeyey argagixisada Alshabaab, kuwaas oo laga hirgelinayo mashaariic horumarineed oo soo kabaya nolasha dadka ay muddada dhibaateynayeen argagixisadu.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Weerar Caawa ka dhacay Muqdisho iyo Khasaaro kala duwan oo ka dhashay

Cabdi Cade

Dilal kala duwan oo ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

AMISOM oo War ka soo saartay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---