Cabsi xooggan oo dhinaca nolosha ah ayaa lasoo daristay ciyaalka weerada iyo kooxaha ka ganacsada maan-dooriyaha nuucyadiisa kala duwan ee ku nool xaafado katirsan magaalada Muqdisho.
Al Shabaab ayaa dhawwaan shaacisay in ay beegsan doonaan dadka ka ganacsada maan-dooriyaha iyo sidoo kale hoggaamiyaasha ciyaalka weerada ee dhibaatada badan ku haya dadka ku dhaqan caasimadda.
Hanjabaada Al Shabaab kaddib ayaa magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda xalay iyo habeen hore loogu dilay rag la sheegay in ay ka ganacsanayeen maan-dooriye, waxaana ragaasi qaarkood lagu beegsaday goobahooda gaarka ah.
Cabsi xooggan ayaana hadda lasoo daristay ciyaalka weerada ee ka dhisan xaafadaha Muqdisho iyo raga ka ganacsada maan-dooriyaha ,kuwaa oo ka cabsanaya in ay dilaan kooxda Al Shabaab.
Sida aan wararka ku helnay sandaqado kuyaalla magaalada Muqdisho oo qaarkood lagu iibin jiray maan-dooriyaha ayaa la xiray ,halka kuwa kalana ay sameesteen rag hubeesan oo ilaalo u noqda.
Waalidiinta dhalay ciyaalka weerada ee kunool magaalada Muqdisho ayaa dhankooda bilaabay in wiilashooda xaafadaha lagu yaqaan kala qaxaan, halka kuwa kalana ku xirteen goobaha dhaqan celinta si aan looga dilin.
Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa horey wax uga qaban waayay ciyaalka weerada ee dhibaatada ku haya shacabka Muqdisho iyo goobaha maan-dooriyaha lagu iibiyo oo sabab u noqday in ay abuurmaan ciyaalka weerarada.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com