Wasiirka arrimaha dibedda ee dalka Sacuudiga, Amiir Faysal bin Farxaan Al-Sacuud ayaa booqasho lama filaan ah ku tagay magaalada Kyiv ee caasimadda dalka Ukraine, waxa uuna halkaasi kula kulmay madaxweynaha dalkaasi Vladimir Zelensky.
Amiir Faysal bin Farxaan Al-Sacuud iyo madaxweynaha dalka Ukraine ayaa kawada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii Sacuudiga gacan uga geesan laheyd duullaanka Ruushka iyo kaalmo dhinaca bini’aadanimada.
Wasiirka arrimaha dibadda Sacuudiga iyo dhigiisa dalka Ukraine Dmitry Kuleba oo ku kulmay magaalada Kyiv ayaa kala saxiixday Heshiis Is-Faham (MoU) oo labada dhinac wada gaareen.
Wasiirka arrimaha dibedda ee dalka Sacuudiga, Amiir Faysal bin Farxaan oo warbaahinta kula hadlay magaalada Kyiv ayaa u ballanqaaday dowlada Ukraine kaalmo bini’aadanimo oo ku kaceysa 100-milyan oo dollar.
Dowladda Sacuudiga ayaa horey ballanqaadyo dhinaca gargaarka ah ugu sameysay dalka Ukraine oo dhibaato xooggan uu kasoo gaaray duullaan ciidamada milatariga Ruushka dalkaasi ku qaadeen.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com