Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiir Koore: “C/risaaq Khaliif wuxuu cadeystay sida uu uga soo horjeedo Qaranka Somaliland”

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed ku eedeeyay inuu lacag loo dhiibay uu rasaas iyo shidaal ugu iibiyay kooxaha dagaalka kula jira ciidamada Somaliland.

Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo warbaahinta la hadlay ayaa Khaliif ku eedeeyay inuu taageero dhaqaale siiyay ciidamo beeleedka dagaalka ka wada magaalada Laascaanood

“Cabdirisaaq Khaliif hantidii halkan looga dhiibay ee loogu talo galay in mushkilada lagu xaliyo, ayuu u isticmaalay in uu dhanka kale shidaal iyo rasaas u siiyo” ayuu yiri Wasiir Koore

Wasiirka ayaa sidoo kale C/risaaq Khaliif ku eedeeyay khayaano qaran, isagoo sheegay inuu waligiiba ka shaqaynayay hagardaamada Somaliland, isla markaana uu dhibaato badan u gaystay madaxbannaanida Somaliland.

“Cabdirisaaq Khaliif waxa uu caddaystay fikirkiisa uu kaga soo horjeedo Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland, In badan waxa uu isku dayey inuu qaranka Khiyaamo, wuxuuna noqday qofka kaliya ee dhibkii Meesha taallay sii laba jibbaara, weligiina wax qaranka dan u ah kamuu talin.” ayuu yiri Wasiirka

Wasiirku wuxuu ugu baaqay Golaha Wakiilada Somaliland, inay xil ka xayuubin ku sameeyaan C/risqa Khaliif hadii uu isagu is casili waayo, isagoo sheegay inuu jabiyay sharcigii uu guddoomiyaha ku ahaa.

“Golaha Wakiillada waxa aanu u soo jeedinaynaa inay xilka ka qaadaan Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif, maaddaama oo uu ka gudbay wixii uu u dhaartay iyo Dastuurikii”ayuu yiri wasiir Koore.

Hadalka Wasiirka warfaafinta Somaliland ayaa u muuqda mid looga jawaabayo Guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland, Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo shalay Madaxwyne Muuse Biixi Cabdi ku eedeeyey inuu caqabad ku noqday sidii nabad looga dhalin lahaa Laascanood.

Waxa uu tilmaamay in xabbad joojintii ay ku dhawaaqday xukuumadda Somaliland looga gol lahaa in aanu dagaalka joogsan, isagoo sheegay in Madaxweynaha uu ku ballan furay isaga iyo ergo ka socoto beesha Caalamka.

“Wefdigii Madaxwynaha metalayay ee joogay magaalada Caynabo ayaa soo saaray war murtiyeed ay ku sheegayaan in xabbad joojin uu Madaxweynuhu ku dhawaaqay. Waxay u muuqatay xabbad joojintaas in aanay dhaqangeli kareynin, ciidamaduna waa ay is hor fadhiyeen. Subixiina ciidamada dowladda ayaa weerarka soo qaaday,” ayuu yiri guddoomiye Cabdirisaaq.

Guddoomiye Cabdirisaaq ayaa dhanka kale tilmaamay in xasuuq laga geystay Laasacanood, arrintaas oo uu sheegay in lagala xisaabtami doono cidda ka dambeysay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sacuudiga oo soo diiday in ay aqoonsato Danjiraha Somalia u magacawday dalkaasi (Xog)

admin

(Akhriso) Axmed Madoobe oo Magacaabay taliyaha cusub ee ciidanka daraawiishta Jubbaland

Caydiid Ali

Dood Qaran: Xiriirka iyo Wadashaqeynta Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada (Sawirro)

admin
Taboola Ads ---