Allbanaadir.com
NEWS

Dhulgariir cusub oo ku dhuftay Magaalo ku taalla bariga dalka Turkiga (Sawirro)

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay ka dib markii dhulgariir cabirkiisu dhan yahay 5.6 uu ku dhuftay bariga dalka Turkiga ee Malatya, todobaadyo ka dib markii laba dhul gariir oo waaweyn ay gilgileen gobolka, sida ay sheegtay hay’adda maareynta musiibooyinka ee dalkaasi.

Dad gaaraya 69 kale ayaa sidoo kale ku dhaawacmay dhulgariirkan u dambeeyey sida uu sheegay Yunus Sezer, oo ah madaxa madaxtooyadda Maareynta Masiibooyinka (AFAD).

Dhulgariirku wuxuu dhacay 12.04 p.m. waqtiga maxaliga ah (0904GMT) waxayna xudduntiisu ahayd meel 6.96 kiiloomitir (4.32 mayl) ka hoosaysa oogada degmada Yesilyurt.

Dhulgariirka ayaa sidoo kale laga dareemay gobolada deriska la ah ee Kahramanmaras, Gaziantep, Adiyaman, iyo Sanliurfa.

“Dhismayaasha qaar ayaa ku burburay dhulgariirka. Kooxaha goobidda iyo samatabbixinta ayaa loo diray aagga musiibada,” AFAD ayaa ku tiri bogga Twitter-ka.

Hay’adda maaraynta masiibooyinka ayaa uga digtay muwaadiniinta inay galaan dhismayaasha burburay, waxaanay ka codsatay inay ka fogaadaan dhismayaasha halista ah ee gobolka.

Dhulgariirkan ayaa yimid iyadoo Turkiga uu sii wado la tacaalidda dhibaatadii ka dhalatay dhulgariirkii mataanaha ahaa ee 6-dii bishii February ka dhacay gobolka koonfureed ee dalkaasi.

Ugu yaraan 44,374 qof ayaa ku dhintay dhulgariirradaas oo cabbirkooda kal ahaa 7.7 iyo 7.6.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Imaaradka Oo Iibsanaya Guryo kuyaala Qudus iyo arin halis ah oo ka dambeysa

Cabdi Cade

Wadooyinka muhiimka ah ee Muqdisho oo maanta xiran iyo sababta ka dambeysa

Caydiid Ali

Dhaqtar Hindi ah oo dhawaan qaliinada lafaha ka bilaabi doona Kalkaal Hospital

Cabdi Cade
Taboola Ads ---