Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Muxuu Adan Madoobe ku soo arkay Safaarada Somalia ee Baqdaad

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa booqday Safaarada Soomaaliya ee ku leedahay dalka Ciraaq, waxaana ku soo dhaweeyay danjiraha Soomaaliya ee Ciraaq Amb. Liiban Sheekh Maxamuud (Malingur), qunsulka iyo madaxda sare ee kala duwa oo ka howl gasha safaaradda.

Danjiraha Soomaaliya ee Ciraaq ayaa Guddoomiyaha warbixin ka siiyay sida ay u shaqeeyso safaaradda, isagoona sheegay in marxalado adag oo kala gedisan ay soo martay safaaradda isla-markaana xaaladahaas adag loogu shaqeeynaayo dalka iyo dadka Soomaaliyeed looguna adeego dowladnimada dalka.

Guddoomiyahaaya Golaha Shacabka BJFS oo mas’uuliyiinta safaarada ku ammaanay doorkooda muhiim ka ah ay ka qaateen ilaalinta sharafka ummadda Soomaaliyed, waxaana uu tilmaamay in Dowladda Federaalka ah dadaal dheer ku bixin doonto sidii wax loogu qaban lahaa, loona qurxin lahaa dhismaha Safaaradda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka iyo wafdigiisa ayaa magaalada Baqdaad ee caasimadda dalka Ciraaq uga qeyb galay meertada 34-aad ee Midowga Baarlamannada Dowladaha xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta.

Shirweynaha afar iyo soddonaad ee Midowga Baarlamaannada Carabta ayaa looga hadlay taageerada Carabta si kor loogu qaado xasiloonida iyo madax banaanida dalka Ciraaq, iyadoo madaxdu ay isla eegeen guddiga fulinta go’aamadii ka soo baxay shirweynihii 32aad iyo Shirweynihii 33 aad ee deg-degga ahaa, arrimaha Maaliyadda, xisaabta kama dambaysta ah ee sanadka 2022-kii iyo barnaamijka qabyo-qoraalka barnaamijka shaqada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xiliga uu furmayo Kalfadhiga 6aad ee Golaha Shacabka oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Farmaajo ma leeyahay xiligan qorshe aan muddo kororsi labo sano ahayn?

Cabdi Cade

Saciid Deni oo warbixin siiyey wafdi ka socday dowlada Kuwait (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---