Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Taliye Macalin Mahdi oo lagu eedeeyey inuu xabsiga ku weeraray Cabdalla Muumin

War saxaafadeed Wadajir ah:

Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS), Somali Media Association (SOMA) iyo Dalladda Somali Mechanism of Safety Journalists (SMSJ) ayaa walaacweyn ka muujiyay warbixinta sheegeysa in Taliyaha booliska gobolka Banaadir Macalin Mahdi uu xabsiga ku weerary Xoghayaha Guud ee SJS Abdalle Ahmed Mumin, habeenimadii Sabtida, ururada ayaa si wadajir ah ugu baaqay in adkeeyo amniga Cabdalle Ahmed Muumin, isla markaana loo sii daayo si shuruud la’aan ah.

Taliye Macalin Mahdi oo wato ilaalo xoog badan ayaa habeenkii Sabtida abaaro 7:40 fiidnimo ayaa tegay xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho, halkaas oo uu ku xiran yahay Xoghayaha Guud ee SJS. Taliyaha ayaa dalbaday in loo soo bixiyo Cabdalle, kadibna ku amray in loo qaadayo guriga Avv. Saalax Sheekh Ibraahim oo loo yaqaano Saalax Dhiblaawe. Cabdalle ayaa arintaas ka biyo diiday, taasoo abuurtay in xiisad ay ka abuuranto xabsiga oo socotay ku dhowaad 2 saacadood.

Ujeeddada ka dambeysa in Taliyaha boolisku tago xabsiga dhexe, iskuna dayo inuu la baxo habeen madow Xoghayaha Guud ee SJS Cabdalle Axmed Muumin waxa ay ifineysaa shakiyo dahsoon oo leh ujeeddooyin gurracan.

Ururada SJS, SOMA iyo SMSJ waxa ay cambaareynayaan falkaas gurracan ee Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir uu ku doonayay in habeen madow uu xabsiga kala baxo, waxa ayna codsadeen in baaritaan madax banaan lagu sameeyo arrintaan, taliyahana laga joojiyo shaqada inta uu baaritaanka socdo, lana adkeeyo amniga Cabdalle inta uu xabsiga ku jiro, isla markaasna si shuruud la’aan ah xorriyaddiisa dib loogu soo celiyo.

-DHAMMAAD-

Related posts

Dhismaha Tariminalka cusub ee garoonka diyaaradaha Xudur oo xariga laga jaray (Sawirro)

Cabdi Cade

Qalbi Dhagax Oo Xabsiga laga sii deynayo iyo Siyaasada ka dambeysa

Cabdi Cade

Dab xoogan oo qabsaday Goobo ganacsi oo kuyaala Muqdisho oo la damiyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---