Gobolada koofurta ee waqooyiga Soomaaliya waxey qeyb muuqata ku leeyihiin awood qeybsiga dowladda dhexe ee koofurta Soomaaliya, waxeyna intooda badan raacsan yihiin midnimada Soomaaliya iyo jiritaanka hal qaran. Degaanada Hargeysa iyo Berbera ayaa weli ku madaxadeygaya gooni isku taaga ay cidlada uga go’ayaan Soomaaliya oo mida oo leh dowlad midnimo qaran, waxaase muuqata astaamaha ay ku soo idlaaneyso riyadaas dhalanteedka ahayd ee gooni u goosadka oo ay ku go’doonsaneyd sanooyin badan.
Goboladda Somaliland oo nabada oo mideysan oo leh ismaamulkooda dowlad goboleed ayaa midnimada u wanaagsan iyagoo mida iney dib ugu soo laabtaan midnimada Jamhuuriyadda Soomaaliya, taas oo haddii laga shaqeeyo wax badan ka wanaagsan intii ay dhici lahayd goboladaas oo colaad la gubanaysa oo kala googo’an iney dib ugu soo noqdaan midnimada Soomaaliya, taas oo xalinteedu ay ku noqoto mashaakilo culus dowladda dhexe ee Soomaaliya, haddana dhibaato hor leh ku soo kordhisa culaabtii ka haystey dagaalka lagu xalinayo dhibaatada Alshabaab, waxaana intaas u sii dheer in isku day kasta oo loogu sameynayo dibuheshiisiin ay ka dhalaneyso natiijo aan mirodhal lahayn, taas oo qaadata sanooyin fara badan oo wakhti dhumisa.
Colaada laascaanood waa mid ku saleysan ficiltan qabyaaladeed oo ay hurinayaan odeyaal ah madax qabiileed oo doonaya degmooyin ka tirsan waqooyiga Soomaaliya iney maamulidooda ku saleeyeen xukun u gaara maamul qabiil, taasna waxaa ka marqaatiya madaxda qabiilada oo horkacaya dagaalka ay ku diidan yihiin maamulka dowlad goboleedka Somaliland ay ka sameysay degaanadaas. Waxaa Laascaanood ka maqan siyaasiyiin iyo aqoonyahano maamul dowladnimo wax ku doonaya ama xukun rayid oo sharciga ku dhisan doonaya iney madaxda Somaliland wadahadal kala galaan, taas oo aan ififaalo wanaagsan ka bixineyn waxa ay doonayaan odeyaashaas dhaqanka qabyaalada dowlad wanaaga u haysta.
Maamul qabiil ku dhisan oo ay ka taliyaan madax dhaqameedka waa nidaam mar hore laga guuray, waxaana loo hayaamay maamul sharciga ku dhaqma oo ay hogaaminayaan siyaasiyiin iyo aqoonyahan maamul yaqaana, waxaana hanaankaas deegaanka horay uga sameyey xukuumada Somaliland, waxaana nasiibdarro ah in odeyaal aqoongaaba ay deegaanka dib ugu celiyaan qas, qalalaase, iyo dagaal ka holca oo ay ku doonayaan maamulxumo beri hore laga soo gudbey iney dadka dib ugu celiyaan xukun qabyaaladeed oo aysan jirin aduunka meel uu ka socdo ama loo arko nidaam ay dadku ku hormaraan.
Laascaano waa degmo ka tirsan maamul goboleedka waqooyi ee Somaliland, xukuumadda Somaliland ayaana xaq u leh xal ka gaarista dhibaatooyinka ka taagan deegaankaas, waxaana wanaagsan in deegaanka lagu dhaqo sharci dowladeed, intii lagu dhaqi lahaa xukun qabyaaladeed oo salka ku haya Xeerka Tukaha. Xukunka ku dhisan qabiilka wuxuu wadaniyad siinayaa oo keliya iney deegaanka degi karaan oo keliya qabiilka xukunka qabyaaladda ku doonaya iney maamulka ku qabsadaan, meesha sharciga u degsan dastuurka maamulka Somaliland uu ogolaanayo isdhexgalka dadka iyo iney si nabada shacabku ku degi karaan deegaanka ay rabaan iney ku noolaadaan.
Dowladda dhexe ee koofurta Soomaaliya waxaa la gudboon ineysan faragelin colaada abaabulan ee ka jirta Laascaanood, iyo ineysan u muuqan mid taagereysa fikir ahaan xukun ku saleysan qabyaalada ee la doonayo in laga dhaqangeliyo deegaano leh xukun maamul dowladeed oo ku dhisan ku dhaqanka sharciga. Tilaabadaas ay uga gaabsaneyso faragelinta waxey dowladda dhexe ee Soomaaliya ka badbaadineysaa iney ku soo furmaan mowjado qabyaaladeed oo ka dhex curta maamulkeeda, kuwaas oo xasarado siyaasadeed ku ragaadiya iskhilaaf aan dhamaad lahayn oo mudo xileedka dowladda ku dhameeya ismaandhaaf caqabad ku noqda horumarka ay hiigsan lahayd dowladda.
Waxaa soo dhowaadey oo soo iftiimaya wakhtigii Somaliland ay noqon lahayd buluug, sidaas daradeed waxaa loo baahan yahay in laga shaqeeyo wixii xoojinaya midnimada maamul goboleedyada oo deegaanadeedu hal maamul ay ku mideysan yihiin, islamarkaasna looga hortegi lahaa degmooyin buluuga sida Laascaanood oo damacoodu yahay iney ka go’aan oo ay gooni uga istaagaan maamul goboleedka ay ka tirsan yihiin, iyagoo diidan dhaqan sharciya oo dowladnimo in lagu maamulo, una hanqal taagaya mid ay si gaara xukun maamul qabiil ugu leeyihiin, taas oo baal marsan hanaanka lagu maamulayo midnimada dowlad Soomaaliyeed oo leh midnimo qaran oo ku dhaqanka sareynta sharciga lagu hogaaminayo.
Waxaa qoray: Prof. Saciid Ciise Max’uud
Guddoomiyaha Xisbiga Dadka Soomaaliyeed
Maine, USA
Fiiro gaar ah: Fikrada qoraalkan waxay u gaar tahay shaqsiga ku saxiixan, kama tarjumeyso aragtida Allbanaadir Online, waana fursad u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa.