Wakaallada Wararka Talyaaniga ee ANSA ayaa ka soo xigatay Boliska inay heleen ugu yaraan 33 qof ku dhinteen Dooni ay Muhaajiriin la socotay oo Waaberigii hore ee saakayto oo Axad ah ku degtay meel ku dhow Xeebta loo dalxiis tago ee Cutro ee Gobalka Crotone ee Koonfurta dalkaasi.
Tirada dhimashada Muhaajiriinta ayaa laga cabsi qabo inay sii korodho, iyadoo ay weli jiraan maydad dul sabaynayo Badda.
Ku-dhawaad 50 Muhaajiriin ayaa la soo badbaadiyey, kuwaasi oo qeyb ka ahaa in ka badan 100 Muhaajiriin la socotay Dooni nooca Kalluumeysiga oo ku degtay Badda.
Warbaahinta Maxaliga ee Talyaaniga waxay soo bandhigeen burburka Doonida oo Labo qeyb u kala qabtay oo Xeebta ku soo caarisay.
Sidoo kale, Muhaajiriinta badbaaday ayaa la siiyey cunto, biyo iyo Bustayaasha dhaxanta.
Doonida degtay waxaa la sheegay inay la socdeen Muhaajiriin ka soo kala jeeda dalalka Iran, Pakistan iyo Afgaanistaan, balse ma kala cadda halka ay ka soo tahriibeen, iyadoo inta badan doonyaha soo gaara Xeebaha Calabria ee Koonfurta Talyaaniga ka soo ambabaxaan dalka Turkiye ama Masar.
Si kastaba ha ahaatee, Wasaaradda Arrimaha Gudaha Talyaaniga waxay sheegtay inay 13,067 Muhaajiriin ay labadii bilood ee la soo dhaafay ee sanadkan oo keliya ay soo galeen Talyaaniga, kuwaasi oo Labo jeer ka badan Tirada Muhaajiriintii sanadkii hore soo galay dalkaasi.
5,273 Muhaajiriin ayaa safar Tahriib ah ku soo galay Talyaaniga sanadkii hore ee 2022-kii.
W/T Ustaad Nuradin