Allbanaadir.com
NEWS

Lisa Filipetto oo booqasho Sagootin ah ugu tagtay Ra’isul Wasaare Xamse Barre (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee UNSOS, Lisa Filipetto, oo booqasho sagootin ah ugu timid.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay Ms. Filipetto hawshii ay ka qabatay dalka intii ay madaxda ka ahayd Xafiiska Taakuleynta Soomaaliya ee Qaramada Midoobay (UNSOS), wuxuuna u rajeeyay mustaqbal wacan.

Lisa Filipetto ayaa dhankeeda uga mahadcelisay dowladda Soomaaliya, sidii diiraneyd ee ay ula shaqeeyeen intii ay ku guda jirtay hawsheeda, waxayna Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku boggaadisay horumarka ay ka sameysay hawlaha sugidda amniga, xasillinta dalka iyo dib u heshiisiinta.

Related posts

Dowladda UK oo baabi’isay deymihii ay ku laheyd Dowladda Soomaaliya

Caydiid Ali

Gen. Stephen J.Townsend oo gaaray Boosaaso lana kulmay Madaxweyne Deni (Sawirro)

Cabdi Cade

Trump oo ku dhawaaqay go’aan cusub oo saameyn xun ka dhalan karto

Cabdi Cade
Taboola Ads ---